|

Bayaankii Golaha Hogaanka Tolka ee Gatineau

Number of View: 138

Horraantii bishii Abriil ayey xubno ka tirsan bulshada Gadabuursigu xarriiqin jeexeen ay ku
caddeeyeen in ay ka weecdeen arrintii ahayd waxa jira uun kabkab ee la caadaystay oo ay
ay u gudbeen in ay lafo-guraan, gunteedana u dhaadhacaan sobobaha runta ah ee ay ka soo
kalahaan aafooyinka bulshada ku habsaday, si ay u helaan xal waara oo ku salaysan aragti fog.
Haddaba markii ay shirkoogii ugu horreeyey ku qabteen bishii Abriil 1-3, 2010 magaalada
Minneaplois, Minnesota, ee dalka Maraykanka, waxay dhammaantood si wadajir ah farta u
saareen in ay guul darro hoggaan la’aaneed tahay sobobta lafdhabarta u ah dhibaatooyinka
dadka Soomaaliyeed haysta ee ay ka mid yihiin dhaqaale burburka, majara habowga bulshada
iyo lumista milgaha dhaqanka. Sidaa awgeed waxay go’aansadeen in ay “…ambaqaadida
dariiqa dheer ee dib u noolaynta hoggaankii dhaqan iyo in lala yimaado fikir cusub oo lagu
casriyeeyo…” ka dhigtaan baylahda ugu horreysa ee bulshadoodu u baahan tahay in wax laga
qabto, arrintaas oo ay ku xarriqeen bayaankoogii Minneapolis. Haddaba guddigii shirweynihii
Minnesota lagu unkay ayaa kulankiisii ugu horreeyey ku yeeshay magaalada Ottawa ee dalka
Kanada, waxaanay soo saareen bayaankan hoos ku xusan:
Bayaankii Tolka ee Gatineau
Kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Maaraynta Golaha Hoggaanka Tolka
Gatineau, Quebec, Canada, July 2nd – 4th, 2010-07-20
(Degdeg u baahi)
Maantaba malkaa inagu qummane, yaan la gees marine,
Marka aanad hammon noloshu waa, mooyi dabadeede,
Madhax ma laha aadmigu wuxuu, kuu mitamiyaaye,
macaluul wax kaagama taraan, maal laguu guraye,
midigtaadu waxay xoogsataa, maydha kaa jara e’
(Abdillahi Suldaan Maxamed, Timacadde, 1971)
Fikradda TOL waxay qiraysaa xidhiidh soo jireen ah, ahmiyad gaar ahna waxay
siinaysaa amuuraha soo socda: iyada oo si mug leh u ilaalinaysa daryeelka
qofka iyo bulshada isla markaana dhawraysa waajibaadka guud ee ka saaran
bulshooyinka kale (ha noqoto ta ood ahaan ugu dhaw iyo ta meesha ugu fog degan
dadka Soomaalida) oo ah nabadda, cadaalada bulshada iyo deeqda (Prof. Axmad
Samatar, 2010)
Uubo-biyoodka sooyaalka ee ay hubaal tahay in ay cardaaduqaha ka dhigayso
dhammaan dadka aan lahayn adayga iyo dabacsanaanta birta oo kale, waxa run ah
in bulshadaas oo kale aanu jiritaankeedu sii waarayn (Theodore Mommsen, 1908)
Iyada oo aan la iska indha tirayn kala duwanaansha xaalka dadka Soomaalida, waxa hubaal
ah in ay intooda badani ku jiraan xilli aad u madaw. Dhammaan tusmooyinka waayaha
jiritaankooda ee ah dhinacyada deegaanka, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo ammaanka
qofkuba waxay tilmaamayaan sida ay u sii kordhayso jilicsanaantoodu oo aan si fiican uga arki
karno xaqiiqdan naxdinta leh ee ah in dadweynaha kala-badh in ku dhaw ay haysato macaluul
inba meel ay u gaadhsiisantahayba.
Marka la soo dhaafo xaalka guud, waxan ku qanacsanahay in jiidaha qaarkood ay aad uga
liitaan meelaha kale. Waxa kuwaas ka mid ah bulshada Gadabuursiga oo deggan dhul baaxad
leh oo ka mid ah Geeska Afrika. Haddaba in kasta oo qaar ka mid ah bulshadani ay guulo
muuqda ka gaadheen meheradaha ay haystaan, waxa marag ma doon ah in aanay guulahaa
teelteelka ahi aanay waxba ka tarin hurumarka iyo daryeelka guud ee bulshada. Dhab ahaantii
waxa lagu doodi karaa in iskaba dhaaf horumare ay haliso ugub ahi soo food saareen jiritaanka
bulshada. Waxa hubaal ah in halisahaa badani ay ka soo unkamayaan meelo badan oo
qeexidooda, lafa-gurkooda iyo kala mudnaantooda aan weli la gudo gelin. Runtuse waxay tahay
in ay jirto arrin isa soo taraysa oo ah in la isla oggolyahay talada ugu culus ee soo foodsaartay
bulshada isla markaana furaha u ah sidii tallaabo wada jir ah oo wax-ku-oola loogaga hortegi
lahaa halistaa soo kordhaysa ay tahay sidii loo heli lahaa hoggaan karti leh oo loo wada dhan
yahay. Hoggaan kulmiya bulshada dhaqankeedii soo jireenkii, caqligeeda iyo aqoonteeda si
loo curiyo aragti cusub, wax tar leh oo dadka isku keenta, laguna dhaqan geliyo karti hor leh,
dhiirranaan iyo qumanaan.
Waxa haddaba loo baahan yahay in la caddeeyo xidhiidhka kooxdan ka dhexeeyaa nooca uu
yahay. Waxa dadka halkan ku kulmay ay ku qanacsan yihiin in arrintoodani ay kala soocday
xidhiidhka ku dhisan maskax qabiil/ qolo iyo tolnimo. Haddaba isagoo tilmaamaya faraqa u
dhexeeya labada, ayuu Prof. Axmad Samatar ku sheegay hadalkii uu ka jeediyey Shirweynihii
Minnesota, isagoo yidhi:
“Ta hore (qolonimo) waa waxa Somaalidu ugu yeedho qabiil waxayna ka soo kalahdaa caqli
yari iyo fogeyn la fogeynayo dadka aan soo gelin abtirsiinta qabiilka; ta labaadse waxay ku
fadhidaa fikradda Tolnimo waxaanay qiraysaa xidhiidh soo jireen ah, ahmiyad gaar ahna waxay
siinaysaa amuuraha soo socda: iyada oo si mug leh u ilaalinaysa daryeelka qofka iyo bulshada
isla markaana dhawraysa waajibaadka guud ee ka saaran bulshooyinka kale (ha noqoto ta ood
ahaan ugu dhaw iyo ta meesha ugu fog degan dadka Soomaalida) oo ah nabadda, cadaalada
bulshada iyo deeqda.
“Marka la soo koobo, qabiilku had iyo jeer waa xumaan side, waana burburiye, waxaanu dadka
dhaxalsiiyaa kala jajab hoose iyo nacayb loo qaado dadka aan qabiilka ka mid ahayn.Dhinaca
kale, TOL wuxu keenaa is bahaysi ay ku dheehan tahay in wanaag loo qabo dadka reerood
(dadyowga kale). Waxan rumaysan nahay in aragtidaasi ay isbedel ku dhalin doonto sida
ay Soomaalida maantu isku xidhiidhiso, aanay ku habboon tahay xidhiidh kasta oo korinaya
ururinta dadyow kala duwan.”
Kulankan kowaad ee Guddiga Tolku wuxu daba socdaa Shirweynihii Minnesota ee qabsoomay
horraantii sannadkan, halkaas oo lagu doortay koox ka kooban aqoon yahanno, dad xirfadley
ah iyo hoggaamiyeyaal bulsho. Kulankanina kubbadii ayuu hore u sii riixay isaga oo nidaam u
sameeyey arrintan muhiimka ah ee tolka, qeexayna aragtidiisa iyo geeddi socodkiisa. Halkan
waxan ku soo koobnay dhacdooyinkii kulankii Guddiga Tolka ee lagu qabtay magaalada
Gatineau ee dalka Canada:
Bayaan:
Iyada oo:
1. UU kulankii kowaad ee Guddiga Tolka ee lagu qabtay Gatineau, Canada, bishii July 2-
4, 2010 ujeedadiisu ahayd in uu sii ambqaado fikradihii iyo aragtiyihii laga kasbaday
Shirweynihii lagu qabtay Minneapolis, Minnesota, USA, bishii Abriil 2010.
2. Ay kooxdii xidhiidhinta ee Gatineau-Ottawa ay isku-duba-rideen munaasabad
xusuus mudan oo lagu alkumay meel qurux badan iyo cunto fiican, gacmo furan iyo
deeqsinimana ku soo dhaweeyeen walaalahooga tolka.
3. Guddiga Tolku ay qabteen dood laxaadle, kana baaraandegeen aragtida, geeddi
socodka iyo xeerarka uu ku dhisnaan doono Guddiga cusub ee tolku.
4. Ay xubnaha Guddiga ee kulanka ka soo qayb galay ay ka mahad celiyeen lana dhaceen
kulanka tolka Ottawa oo la qabtay maalintii gebagebadii, July 4, 2010 oo si daacad ah
oo saaxiibnimo ah la isku laabxaadhay fikradana la isku dhaafsaday bulsho weynta taas
oo ku dhammaatay madadaalo dhaqan oo fiidnimadii ka dhacday hudheelka bilicdasan
ee Chateau Cartier and Conference Center, Gatineau, Quebec, Canada.
5. Aan ku faro adaygayno aragtida ah Tolka ku nool Geeska Afrika iyo adduunka oo
mideysan, hodan ah, oo nabad kuwada nool, nabadna kula nool dadka ay oodwadaagga
leeyihiin iyo deegaankooga dabiiciga, awoodina kara in ay kor u qaadaan ilaaliyaana
xuquuqdooda ay wadaagaan ee bulsho, dhaqaale, hantiyeed iyo aadami ee dadkooda.
6. Aan aqoonsanahay, adkaynaynana waajibka naga saaran in aan fidino midnimada ku
salaysan wanaag wadaagga ee qaybaha kala duwan ee tolka.
7. Aan qirsan nahay, ixtiraamayno, adkaynaynana xuquuqda iyo masuuliyadaha
bulshooyinka aan ollogga (deriska) nahay ee aan wadaagno degaanka ee masiirkoodu
uu ku xidhan yahay masiirka tolkeena.
8. Aan ku fara adaygayno in aan samayno dariiqad noqon karta kaabad fududaysa sidii
la iskugu xidhi lahaa xikmadii hoggaan dhaqameedkeena iyo waayaha firfircoonida iyo
xawliga ku socda ee casriga ah.
9. Aan qirsan nahay baahida loo qabo in la isku xidho tolku meel kasta oo uu adduunka
ka joogaba si loo raadsado fikrado, loona helo talo; aanan si qoto dheer u lafa-gurnay
dabeecadda iyo baaxadda kadaraha ugu waaweyn ee tolka hor taagan, loona helo
khariidad lagu gaadhi karo aragtida Golaha.
Guddiga Tolku wuxu guddonsaday go’aamada soo socda:
1. Magaca Guddiga Tolku wuxu noqon doonaa Golaha Hoggaanka Tolka (GHT)
2. Dhismaha Golaha Hoggaanka Tolka ayaa la falanqeeyey, waxana la diyaariyey, laga
dooday oo la isku raacay xeerarkiisa.
3. Golaha xubnihiisa ayaa la ballaadhiyey oo laga dhigay 30 xubnood, iyada oo Ugaas
Cabdirashiid Ugas Rooble uu yahay xubin sharaf.
4. Guddi Fulineed ka kooban 10 xubnood ayaa la doortay, kuwaas oo noqonaya
Masuuliintii Fulinta ee ugu horreeyey Golaha Hoggaanka Tolka.
5. Goluhu wuxu guddoonshay in la abaabulo shirweyne tol oo lagu qabto meel ku habboon
oo ka mid ah jiidda aan ka soo jeedno waqtiga ugu dhaqso badan ee ay suurtogal
noqoto.
6. Goluhu wuxu guddoonshay in la diro weftiigii ugu horreeyey GHT oo ka kooban saddex
xubnood oo ay soo maraan meelaha ay deggan yihiin tolku si ay u soo qiimeeyaan
waayaha tolka, sheeko wadaagna ula soo yeeshaan hoggaankii dhaqanka iyo bulshada
guud ahaanba, si ay u soo ururiyaan fikrado iyo talooyin. Waxaanay u soo sahamin
doonaan shirweynaha tolka ee la qaban doono.
Liiska xubnaha Guddiga Fulinta:
1) Professor Axmad Ismaaciil Samatar, Guddoomiye
2) Yusuf Aadan Qaalib, Guddoomiye Ku-xigeen
3) Cabdiwaaxid Sh. Cusmaan, Guddoomiye Ku-xigeen
4) Dr. Hodan Muuse Rabbiile, Xoghaye
5) Rooda Xaaji Miisaan, Lacag Haye
6) Bashiir Sh. Cumar Good, Agaasimaha Isgaadhsiinta
7) Abdi Dahir Aye, Maamulaha Website-ka
8) Professor Xuseen Warsame, Hoggaamiyaha Guddiga Waxbarashada, Dhaqanka iyo
Tababarka.
9) Professor Maxamad Faarax Good, Hoggaamiyaha Guddiga Qorshaynta iyo Hantida
10) Dr.Cali Baxar, Hoggaamiyaha Guddiga Xidhiidhka Qurbo-Jooga.
Liiska xubnaha Golaha Guud:
1) Cibaado Xuseen (Ontario, Canada)
2) Maxamad Faarax (Alberta, Canada)
3) Dr. Cali Ibraahim Baxar (Texas, USA)
4) Eng. Rashiid Cige Guled (Illinois, USA)
5) Dr. Hodan Muuse Rabiile (Texas, USA)
6) Xaliimo Xasan Saad (Ontario, Canada)
7) Dr. Cabdiraxmaan Bayle (Tunis, Tunisia)
8) Cabdiwaaxid Sh. Cusmaan Qalinle (Minnesota, USA)
9) Professor Xuseen Axmad Warsame (Alberta, Canada)
10) Professor Maxamad Faarax Good (Wardi) (Massachusetts, USA)
11) Safiya Cabdillaahi Ismaaciil (Texas, USA)
12) Xaliimo Jaamac Hadi (Texas, USA)
13) Professor Axmad Ismaaciil Samatar (Minnesota, USA)
14) Mubaarak Axmad Nuur (Illinois, USA)
15) Bashiir Sh. Cumar Good (Abu Dhabi, UAE)
16) Yuusuf Aadan Qaalib (Texas, USA)
17) Rooda Haji Axmad Miisaan (Texas, USA)
18) Cabdi Daahir Aye (Texas, USA)
19) Lul Axmad Cusmaan (Ontario, Canada)
20) Abdulqaadir Ismaaciil Jaamac (Minnesota, USA)
21) Abubakar Xaamud Jibriil (Minnesota, USA)
22) Jaamac Cusmaan (Ontario, Canada)
23) Xasan Aadan (Ottawa, Canada)
24) Xasan Muuse Khaliif (London, UK)
25) Cabdiramaan Daahir (London, UK)
26) Dr. Cilmi Nuur (Sweden)
27) Dr. Yacquub Aadan (Sweden)
28) Cabdillaahi Cusmaan (Australia)
29) Maxamad Dugsiiye (Alberta, Canada)***
30) Jago banana ( waa la buuxin doonaa)
***Maxamad Dugsiiye wuxu Golaha ku soo biiray intii bayaanka la soo saaray dabadeed cod
wadajir ah ayaana lagu soo dhaweeyey.
Wixii dheeraad ah kala soo xidhiidh:
Bashiir Good, email: bsogoth@gmail.com
Cabdi Aye, email: abdiatom@gmail.com
Luul Cusmaan,email: koryaal@GMX.com

Short URL: http://www.boonnews.net/?p=1034

Posted by Boon News Online on July 25 2010. Filed under Boon Videos & Galleries, Latest Stories & News, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed nuur: waa runta walaal oo snm ma dhafi jirin hargaysa iyo sheekh marka ay dheerayso waxay tagijirin burco...
  • koshin uk: congratulation abwaan budin hanbalyo markalee abwaan waxaan aad aan uga helay xaqiiqdii eray suugaaneedka...
  • Mohamoud A. Mohammed: waa wax lala yaabo! waana daandaasi cad iyo duqayn kale oo lola danleeyahay dareenka dadweynaha...
  • xaashi: dssd
  • hassan: SNM WAXAA SHEGAY PROF. ABDI ISMAIL SAMATAR WUXU YIRI SNM,WAA BURCADBEDA IYO SILANYO KKKKKK