WALI DADKA REER AWDAL MAAYNAN GARAN XAQIIQDA JIRTA LAGAMANA HAYO WAXII KU HABOONAA SNM TA REERAYSAN
Number of View: 116waxaynu wada ognahay inuu siiraanyo xaqiijiyay oo uu cadeeyay malintii natiijada lagu dhawaaqay inuu uciildhicin doono waxii uu ku sheegay mujaahidiinta iyo beel uuseegay inay xaqa koobaad uleedahay somaliland dheefteeda waa sida uu hadalka udhigaye markaa manta sawaxanka kadhacay galbeedka somaliland mamid aay beesha samaroon iyadu is maqashiinaysaa mise waa mid aay dhegaha ugu ridayso hogaamiyaha snm soocelinta iyo soonoolaynta snm ilama aha in dhawaqa beesha samaroon siciid meel fog gaadhikaro waayo beeshu iyadaa karamadeeda hoos udhigtay siinaayana kuma oga cid uu kagabado oo xaga beesha samaroon ka xigta marka laga reebo c/raxmaan aw cali oo aay beeshiisu xiniinya siibtay
sawirka muuqdaa waa mid cadaynaya in xukuumadu udhalatay beesha isaaq oo kaliya somaliduna waxay tiraah daa nin aan hadlan habartii iloowday manta darood bari waxuu haystaa 3 wasiir iyo ku xigeeno waxaanay ku kasbadee raganimo iyo diidnay aay yidhaah deen mida kale siiraanyo ololihiisii ayaay kujirtay inuu daroodbari xaqooda usoo dhicindoono isagoo tilmaamay inanay samaroon siciid xaqba kulahayn somaliland kursiga madaxtooyadana aay qalad kutahay inay fadhiistaan kartida iyo raganimada darood bari muujiyee waa mid kamaqan amase aan loogaba baran 20 kiisano ee udanbaysay beesha samaroon siciid waa marka aan waqiciga jira ka hadlaynee soomalidu waxay tidhaa (diiday baa haye leh )
waxaan aad ulayaabay qaar kamid ah bulshawaynta samaroon siciid oo kudoodaya 3dii wariis uun halanoosoo celiyo inta qaar badan oo kamid ah bulshawaynta samaroon siciid hamigoodu yahay 3 dii wasiir noo soo celiya ee uu hankoodu ku kooban yahay halwasiirnoogu dar siiranyoow waxaa maqan kartidii raganimo iyo milgihii gabanimo ee umadi lahaan jirtay ninka raga ahi hankiisu waa ka qayrkii waxii uu gaadho ku fikira iyo waliba meel kahoraysa inuu gaadho markaa inta aaynu ogolahay cadkaa quudheed karamada beesha inaga ayaa burburinay iyadoonay cidkale inagu soo duulin oo aan awood la inagu maquunin waa hubaal in aanay jirin cid awood inoo sheegatay lakiin hanka inagu jira ee liitaa halkaa inaga dhigay
gabagabadii waxaa haboon in beesha samaroon siciid si karti iyo raganimo ku jirto xaqeeda uraadsato iyadoon cidkale dulmayn cidna aan duudsiyayn waxa manta bulshadu ka cabadaysaa mahin wax manta lumay ee waa waxmaqnaa 20ka sano ee xukumada somaliland jirto walina aniga ahaan iima muuqato sadaal lagu farxo oo bulshadu ku raadsanayso xaqeeda (ninka diiday sinaantaada adna diidsarayntiisa) waa eray murtiyeed khuseeya manta bulsha waynta samaroon siciid waxaan oranlahaa amase hadalkiina iyo dareenkiinu ha ahaado 2 cishee uhoreeya dabadeedna iska aamusa amase xaqeena aan u raadsano si gobanimo kujirto iyo qaabkii aay awoowyadeen wax u raadsanjireen
by farhan adan warsame
adwarsam1@yahoo.com
Short URL: http://www.boonnews.net/?p=1069