|

QODOXYALEY ( Abwaan Budin )

Number of View: 210

Maansadan waxaa curiyay abwaan budin oo kala qayb galaya dareenka dadwaynaha Reer Borama ay ka muujiyeen xukuumad qaybsiga Siilaanyo

waxana uu abwaanku yidhi sida tan:

Waheey waa qaylo dhaan

Qac iyo waa lama filaan

Qisiyo waa tacab khasaar

Qamuunyiyo waa wax daran

Umuur weeyaan qalaad

Qabruu galay maamulkii

Dastuurkiiba qatalan

Xilba iga quusta yidhi

Qiyaastu siday ahayd

Qun hore waa kii dhintee

Qabiilbaa soo if baxay

Mudaanu is qalan jirnee

Haddu nabarkii qalalay

Wixii isku keen qatalay

Qalfoofkeedii magool

Qajeel inkastoon ahayn

Dad maamul qorshaystayoo

Qal iyo diir wada ahaa

Muduu nagu qaylyayee

Markii codka loogu qubay

Wakaa qoqobaad wade

Wuxuu qalbigii ka diday

Jacduu qodoxyaale dhigay

Damiirku hadduu qalalo

Talaa umad qaalibtee

Misana qodin buu wataa

Qudhaanjo ka sii ildaran

Ninkani usha noo qabtow

Adoo mala kala qufulan

Ayaad xilka kala qaybsee

Waxad qooraansidaa

Sidaad wax u soo qortoo

Hadaan qalad kuu cadayn

Halkaad qarqooran tahay

Anaa qun u sheegayee

Qiyaastaa kaa xumayd

Kaliil qorta dheer saraar

Ninka qamac reer ku furay

Inuu durdur soo qulqulo

Qalbiga kuma haynayee

Rayaalahan loo qiree

Shacbiga ka mutaystay qurux

Inuu qunyar kuugu dhigo

Malaha uma qaadatide

Inaad qabsataa wacnayd

Haddaad qudbad dheer ku tidhi

Dadkii wuu qaawan yahay

Dhaqaaluhu waa qalooc

Qabiilka la eeday iyo

Cashuurtan la qaybsadee

Xukuumadu qaadatiyo

Umuurahan wada qariban

Intaan xidida u qodo

Anaa qaab wacan u dhigi

Siduu buugaagu qoray

Nin yidhi qiil baan hayaa

Kaskii lama quudhsadee

Markii lagu yidhi qorshee

Waxay umadii qosleen

Ama dadku kaa qawaday

Sidaad u samaysay qalad

Qaniinyada ruux necebi

Shinida qiiq kuma shidee

Quruumaha meesha daga

Asoon qisadood hayn

Nin weyn hadduu qodqodo

Miyaa qudhun seegayaa

Indheer garad qaaliyaa

Maahmaah qarni tagay ku yidhi

Biyaha igu soo qulquli

Mug iyo qarqaarkooga maqan

Si aan uga helo qiyaas

Qoodhkooda horaan ogahay

Ninkani usha noo qabtow

Talaabada qaadisteed

Hadday durba tahay qalooc

Qofkii maskax lee fikiray

Markuu maankiisa qalay

Wuxuu qiimayn ku helay

Qabuur inad soo wade

Dharigu qabow kuma karee

Dadkani kugu qaylyayaa

Waxay ka qandhoonayaan

Inaad qun u fiirisaa

Qalbiga sani doorbidee

Haddii aad tahay qorqode

Kalsoonidu qooman tahay

Ilaah baa qaadiree

Inaa lagu qaabilaba

Qodh iyo xero may ahayn

Ninkani usha noo qabtow

Malaha qiiriyo xumaan

Qabiil hoosaa jiroo

Qaraabaad soo cabtee

Inay dadku kala qaxaan

Qabyaalada loo tartamo

Haddaad qalalaase rabin

Intaadu markay qancaan

Iany dadka kale qadaan

Ayaa qodobkaa ku faray

Kolay diqsi helay qandhuuf

Nijaas ku qubaysigeed

Damiirkii kama qabtee

Inaad qawleste tahay

Dad baa horay kuu qiree

Sidii dirxi qoosh ku dhacay

Qadhmuunka dhexdiisa jiif

Qalbiga sami wuxuu gartaa

Wixii qof ku waajibee

Xaq baa dadka kala qabtee

Ninkii godka weyn qodow

Quraanka adi ku nacay

Haddaad qirsan tahay furqaan

Adoo xilka qurux u helay

Qasaare lamaad gasheene

Yaqiintaadaa qaliban

Qof baanad ahayn is huba

Haddanadse qaadanayn

Garsoor iyo qiime wacan

Sidii xaqu kuu qadimay

Heshiiskeen kala qalaxan

Inaad tahay qoofil jaan

Adaa qoryihii gurtoo

Daraad subaxdii qaxoo

Inaa lagu quudhsan jiray

Waliba buugaag qoreen

Wixii qado kaaga ba’ay

Miyaad qayrkaa ku dayi

Hashaba anigaa qaloo

Qolkaygaa lagu karshee

Inaan qanjidh iyo xumays

Quluub laawoow ku tago

Aday kula qumantee

Xishood li’idaa qayaxan

Hadaanad ka qoomamayn

Sidii qashin roob ku da’ay

Anaa kaa sii qadhmuun

Habeen cadaw soo qutura

Dabaal lagu yidhi qarsoon

Qufaca hoos uma dhigee

Adaa sharaf qadecee

Dadkaaga hadaanad qalan

Qudhaada hadaanad jarin

Qoqobe adigaa xidhoo

Balaayo qalqaalsadaye

Hadaanad qorfaha dhexgalin

Qudhaanta hadaanad cunin

Dhashaada hadaanad qubin

Hadaad qowgiyo dixaha

Dhexdooda sagaal ku qadin

Wixii qarni hore ku maray

Mid soo socda qayb ka noqay

Astaamaha quruxda laa

Adiga qaan kugu lahoo

Ladaab uma qaadatide

Qureeca hadaad ka kicin

Sidaadaan ahay quduuc

Gobnimadaa qaaliyoo

Dulqaad iyo qanacsanaan

Dadnimo qani ii dhashaan

Intaan kugu qaabiloo

Adoo I qaniinayaan

Anigu qarash kuu dhigee

Qardaadum haddii ad tahay

Sax iyo qalad kala saxayn

Qiyaamuhu haba dhecee

Qalwadan ba’an maba rabee

Ma qasabaa dawladnimo

Short URL: http://www.boonnews.net/?p=1090

Posted by Boon News Online on July 30 2010. Filed under Boon Videos & Galleries, Have your Say, Music, Other News & Litereture & History, featured. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

3 Comments for “QODOXYALEY ( Abwaan Budin )”

  1. waa runtii ala hadaayo abwaan maxamed cismaan budin saxnaa tahy qof haybadle yaad tahy halyey budin dhlaad tahy

  2. sxb waad dhamaysay aad ayaan kuugu hanbalyeynayaa

  3. congratulation abwaan budin hanbalyo markalee abwaan waxaan aad aan uga helay xaqiiqdii eray suugaaneedka aadka u qaniga ah ee uu xanbaarsan yahay gabalaygaagani aad baan ugu farxay xaqiiqdii well done abwaan meel wacan oo sare insha allah gadh thank you vey much indeed …

Leave a Reply

Recently Commented

  • ahmed nuur: waa runta walaal oo snm ma dhafi jirin hargaysa iyo sheekh marka ay dheerayso waxay tagijirin burco...
  • koshin uk: congratulation abwaan budin hanbalyo markalee abwaan waxaan aad aan uga helay xaqiiqdii eray suugaaneedka...
  • Mohamoud A. Mohammed: waa wax lala yaabo! waana daandaasi cad iyo duqayn kale oo lola danleeyahay dareenka dadweynaha...
  • xaashi: dssd
  • hassan: SNM WAXAA SHEGAY PROF. ABDI ISMAIL SAMATAR WUXU YIRI SNM,WAA BURCADBEDA IYO SILANYO KKKKKK