Xaflad lagu maamuusayo ardayda reer jabuuti ee ka qalin jabisay jaamacadaha dalka yemen
Number of View: 73
Xaflad si balaadhan loosoo diyaariyay oo ay soo qabanqaabiyeen ardayda reer jabuuti ee wax ka barata dalka yemen oo lagu maamuusayay afar iyo toban arday oo reer jabuuti ah oo ka kala qalin jabiyay jaamacadaha dalkan yemen ayaa lagu qabtay hoolka way nee jaamacada sayniska iyo tiknoolojiga.
Xafladaasi oo ku bilaabantay waji fiican ayaa waxa ugu horayn lagu furay heesta calanka jamhuuriyada jabuuti, kadibna waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha ardayda reer jabuuti cabdilaahi salawaad fariid oo halkaasi ka jeediyay hadalo dhiirigalin ah iyo waliba muhimada ay leedahay waxbarashadu, waxa uu guddoomiyuhu salaam udiray ugaaska beesha samaroon ugaas cabdirashiid ugaas rooble ugaas doodi.
Waxa kale oo uu guddoomiyuhu salaam udiray madaxweynaha jabuuti iyo safiirka dalkan yemen ufadhiya jamhuuriyada jabuuti.
Xafladan oo loogu talo galay maamuuska qalin jabinta 12 wiil iyo 2 gabdhood oo ka kala qalin jabiyay guud ahaanba jaamacadaha dalka yemen ayaa waxay ku dhammatay si farxadleh iyadoo dhammaanba si weyn ay uga soo qayb galeen ardayda reer Somaliland iyo kuwa reer soomaaliyaba.
Xubnaha ardayda reer jabuuti ee sida aadka ah uga qayb qaatay qaban-qaabinta xafladan qalinjabinta ah ayaa waxa kamid ahaa:
Axmed muuse ducaale
Saleebaan rayaale
Ismaaciil cabdilaahi
Ayaanle
Sakariye
Iyo cabdiraxiim aadan dugsiiye oo ka mid ah hogaanka sare ee ardayda Somaliland oo isaguna kaalin laxaadleh ka qaatay suurtagalnimada xafladan.
Ugu danbayntii waxa lagu soo gabagabeeyay heesta calanka jabuuti iyo iyadoo loo fasaxay dadweynaha kazoo qayb galay xaflada in ay utahniyadeeyaan oo ay salaamaan ardayda qalin jabisay islamarkaana ay la galaan sawiro wada jira ah.
Axmed cumar miicaad
Sanca … yemen
Short URL: http://www.boonnews.net/?p=994
